|
Hees waddani ah misana igu cusub oo aanan heyn cida aliftay balse ay ku luuqeyso Fanaanadda Sahra Ciise Darmaan erayo ku jiray ayaa jirku ila dubaaxiyay kuwaasoo sabab aan uga dhigi karo in aan isa saaro cinwaankan walibana qorid ku bilaabo maqaal kan, ereyadaas ayaa ahaa "Damqadey damqoo jir kaa i dubaaxinayee, ilmaa iga daadaneysee dib miyaan loo noqonahayn, waxaan is weydiiyay su'aasha ah miyaan dib loo noqonayn, Mise waanba isaga samirnaa. Anigan hadda qoraya qoraalkan wali isheydu ma arag mana ku soo caqliyeysan iyadoo Dowlad iyo nidaam uu ka jiro dalkii, saasoo ay tahayna maaheen mid moogaa oo waxaan ku sugnaa guddaha dalka guud ahaan intii lagu jiray burburka oon ka mid ahaa dadkii illaah ku dhex amaan yeelay, waxaase kuwa ila midka ah iyo aniguba isku tirinaa in aan nahay dadka laga ja jabiyay oo looga ciyaaray mustaqbalkoodii iyo mas'uuliyaddii wadankooda. Waxaan la yaabanahay dhalinyaradda qaarkood iskuma heystaan in ay yihiin kuwo xaqa u leh ka ariminta aayaha dalkooda, waxaase sii dheer in ay iyagu yihiin awooda kaliya oo ay wax ku yihiin kuwa hardanka ugu jira oo ay madax martay siyaasadda qalafsan ee qarnigaan qaseysa Soomaaliya. SIYAASAD WAREERSAN Siyaasadda Soomaaliya waxaa horboodaya dad aanan ehel u eheyn, waxaana ay yihiin iyagu kuwo daneystayaal ah oo aan u diirnaxeyn shacabka masaakiinta ah, misana aad wada ogtihiin in ay mas'uul ka yihiin dhibaatadda 20 sanno jirsatay ee dalka ka taagan. Waxaan anigu mas'uuliyadda ugu badan ee dhibaatadda dalka Soomaaliya aan saarayaa Siyaasadda iyo inta haatan arimaheeda faraha kula jirta oo aan sidoo kale soo raacinayaa saxaafadda, kadib burburkii ku yimid nidaammii kacaanka ee dalka ka arimin jiray waxaa jirtay in jabhaddo ay isku qabsadeen kursigii iyadoo mid walbaa uu doonayay in uu isaga ku fariisto, xiligaas ma jirin saxaafadd la mid ah mida haatan lagu sheego in ay tahay Dhex dhexaad. Waxaa horey u jiray hogaamiye yaal iska soo horjeeda oo midba meel ka talinaya, waxay hurin jireen collaadaha iyagoo danta beeshooduna ka hormarin jiray tan guud taasoo ay ku gor gortami jireen waxayna keentay in sidaas ay sedkooda ku helaan oo masiirkii umadda madax looga dhigo. Waxaa xigay in wadaado u soo baxeen umaddii iyagoo u sheegay in danta umadda iyo diintuba ay u shaqeyn doonaan, balse waxaa candhuuftii dib loo liqay markii la arkay in hamigoodu ahaa hanashadda kursigii dhiiga dhex yaalay ee Soomaalidu ku dhamaatay, hataan oo ay heystaan kursigiina iyagii baa isku qilaafay sidii looga bartay dagaal oogayaashii. Waxaa quus laga taagan yahay haatan in dalkii uu dib cagahiisa isugu taago, inkastoo naloogu sheegay Qur'aanka haka quusanina naxariista rabbi, hadana naloogama harina waxaa nala faray dadaal iimase muuqata mid ay wadaan dadka haatan taladda gacmahoodu ay ku jirto. Siyaasadda taariikh bey leedahay halku dhigna waxaa u ah been qof walbaana og illaa mid uu illaah badbaadiyo mooyee waxaa halkaa nooga muuqan karta in wadaadadu haatan been sheegayaan gaar ahaan kuwa haatan madaxda qaranka noqday, mar bey balan qaadeen in ciidamadda shisheeye ay dalka ka saari doonaan misana waxa la maqlay iyagoo leh hala soo kordhiyo. CAJIIB! SAXAAFAD COLAADEED Dadku ma aysan u warbadneyn sida haatan ay yihiin (fadhi kudirir) qaarkood waxa dhacaya lama aysan socon mana raad raadin jirin, waxaase uu ahaa dareenku dadka mid ka duwan kan haatan ay qabaan, ma jirin idaacad buun buunisa dagaalo dhici doona iyo kooxo kala jeeda oo hawada isaga hanjabaya. Haatan waxaad arkeysaa marmarka qaar iyadoo dadku qaxayaan iyadoo aysan wax xabad ah socon, markaad weydiiso ood tiraahdo dagaal maba socdee halkee loo qaxayaa ayaa waxaa lagu leeyahay xisbigaas iyo urur heblaayo ayaa isku hanjabay oo doonaya in ay ku dagaalamaan deegaankeena, ogoow kuwa isku hanjabay waxay adeegsadeen makarafoonka mid kamida idaacadaha maxaliga ah, sidaas ayayna dadkii u bilaabeen in ay u bara kacaan bal eega dhibaatadda intaas la eg misana aan inoo muuqan. Maaha in aan meesha ka saarayo faa'iidadii ay la yimaadeen saxaafadda madaxa banaan balse marna ma la iska wareystay dhibaatadda daba taal, waxay sabab u ahaayeen in ay soo baxaan dad kuwii ugu liitay iyagoo u ogolaaday in makarafoonka ay kor u qabsadaan, waxaa ay sameeyaan buun buunin hadba halka wax looga soo yeeriyo. Axmadu Walad Cabdalla ayaa isagu mar sii horeysay ku eedeeyay saxaafadda Soomaalida in ay yihiin kuwo qaab qaldan loo adeegsado isagoo meesha ka saaray ahaanshaha kuwo ka madax banana oo dhex dhexaad ka ah Siyaasadda soconaysa, waxa uuna sidoo kale la meel dhigay Idaacadd Rwanda ku taalay oo la oran jiray Radio Mile Collens taasoo colaadaha hurin jirtay. Eedeyntaas dad badan baa ka jawaabay kuwaasoo ku abtirsada bahda saxaafadda balse inteena kale iskama aanan wareysan waxa ka jira, waxaanse tilmaamayaa in aan wada ognahay ciladaheena iyo halka nalaga heysto, su'aashuse waxa ay tahay maxay noogu muqan la'yihiin dul duleeladda saxaafadda. Makula tahay in ay wanaagsanaan laheed in la joojiyo guud ahaan wararka si dadku walaaca uga baxo, waxaa dhici karta haddii tabinta wararka wax qariba ay joojiyaan saxaafadda in horumar dhanka siyaasadda ahna lagu talaabsan lahaa. Mar baa haatan la isku soo qaaday in bal nabadda garab la siiyo oo la joojiyo qabashadda wararka is qilaafsan iyo kuwa sababi kara dagaaladda waxaase ay dhalisay in uu naftiisa ku waayo mid kamida laf dhabarka saxaafadda Soomaaliya waa Saciid Tahliil allaha u naxariistee. Qaababka ay ku howl gasho marka laga soot ago goboleysiga iyo magacyadda muujinaya xulufo gooni ah waxaa sii dheer in mid walbaa uu kashidaal qaato hadba meesha magaciisa ku qotomo qaarkood beyse ka tahay kal iyo laab oo aan ku amaanayaa sida kalsoonida leh o wararkooda ay u dhigaan. Warar walboo la tabinayay su'aal walboo taagan waxaa halheys saxaafaddaa u noqday sidee xal lagu gaari karaa, culu'maaudiin, caamo, waxgarad, aqoonyahan iyo guud bulshaduba wey ka siman tahay, waana la sheegaa xalka laakiin lama maqlo iyadoo la naadinayo oo saxaafaddu si siman u leeedahay Xalku waa saas ninkii diidana waa yeelkiis. W/Q: Cabdifitaax Cali Aadan cabdifitaaxcali@hotmail.com
|