|
|
|

|

|

|
|
|
|
Qiimaha nabadda iyo Qorshooyinka Shisheeye
|
|
Posted
on Somaaljecel News Network on 13.May.2009
Submitted by: C/fatax C.Aadan
|
|
Qasaaraha Naf iyo maal leh hadeynaan kuwada quusan, Qof walibaa qumanihiisa hadduu qoorta soo surayo, Qiira dii wadani nimo qolo u naxda hadey weyday, Yaa Qaranka daafacaya Qowmiyadda Ilaalinaya, Qiimaha Xoriyadeena yaa Kifaala Qaadaaya. (Erayo hees waddani ah). Isbadal weyn oo aan la filayn iyo niyad jab xoogan ayaa haatan soo food saaray umadda soomaaliyeed kadib markii ay guddaha kala bilaabatay isku dhacyo u dhaxeeya xoogagii mideysnaa ee halka saf ahaa tiiyoo ay soo xigsatay haatan ugaar sasho lagu bilaabay hogaankii hormudka u ahaa halgankii dalka looga xoreeyay xoogagii xabashida. Dilal qorsheysan oo u muuqdo kuwo ay soo maleegeen cadowgii dalka laga saaray ayaa haatan lagu bar tilmaameedsaday qaar kamida hormuudkii xoogaga wax iska caabinta waxaana u dambeeyay allaha u naxa iistee Marxuum Caga weyne oo lawada ogaa kaalintii uu ka qaatay halgankii looga adkaaday qab qablayaashii dagaalka iyo kii lagu jabiyay Itoobiya. Dadka caqliga u saaxiibka ah wey wada garan karaan weyna ka baxsan yihiin in waxa socda ay gacmo cadow hoos ka horinayaan, waxaana cad in si bareer ah la isaga horkeenayo xoogagii mideysnaa iyadoo xaalado ay ka mid yihiin adeegsiga qabaa'il ka la wado lana doonayo in la iska horkeeno oo sidii jabhadihii jiray sagaashamaadkii ay iyagu isku mashquulaan oo dagaal aan dhamaad lahayn uu ka dhex bilaawdo maadaama cadowgo uu awoodi waayay in dagaal toos ah uu la galo iyagoo mideysan. Qilaaf iyo qalad miiran waxaa waxa na ragaadshay oo naga reebay dunidda, waqtigu wuu soconayaa waxaa gadaal maray sanadkii sagaal iyo tobanaad ee nidaam la'aanta iyadoo haatan arimihiina ay faraha ka sii baxayaan dhibaataddii na ay labaatan jirsatay intaas oo dhana waxay tusaale ugu filnaan weysay haatan madaxda xoogaga waxiska caabinta oo iyagu la oran karo uma muuqdaan kuwo ka faa'iideysanaya casharaddii hore iyo qaladaadkii jabhadihii ka horeeyay oo haatan iyagu la mid noqday. Siyaasad is qilaafsan iyo iyadoo qeybo walboo kamida dhinacyadda isku haya dalku ay yihiin kuwo awaamiirta looga soo yeeriyo banaanka ayaa waxaa sii dheer in haatan lagu kala baxay oo Soomaaliya la qeybsaday taasoo in badan oo bulshadda ka mid ah aysan ku baraarugsaneen iyadoo la adeegsanayo qaabab ka duwan. Dad baa is lahaa mar haddii itoobiyaankii dalka ka baxeen dowlad ay gar wadeen ka yihiin maxaakiimtiina ay meesha asoo gashay wax baa is badali doono oo dalku wuu dagi doonaa balse iyagu u muuqda haatan in candhuuftoodii ay dib u liqeen kaib markii ay maxaakiimtii u kala baxeen garabyo kala duwan oo iyaga is diidan iska daa cid kalee. Itoobiya ma aysan ka bixin Soomaaliya kaliya ciidamadeydii ayay kala baxday waxayna wacad ku martay in siyaasadd ahaan aysan marnaba ka faaruqeyn Soomaaliya taasoo cadeyn buuxda u ah in ay iyadu ka dambeyso dilal ka qorsheysan iyo dagaaladda la isaga horkeenayo xoogaga wax iska caabinta sidoo kale waxay ku badashay booskii ay baneeyeen hogaamiye kooxeed yadda kuwo lamida iyaga balse waxyaabo kale ku dhuumanaya oo haatan ay si bareer ah u soo hubeysaa kuwaasoo dagaalo ka wada goboladda dalka qaar. Waxaa Soomaaliya lala damacsan yahay in mar haddii itoobiya kaliya wajihi weysay in qaab xeeladaysan loo kala fur furo kuwii mideysnaa ee iyagu ka adkaaday qab qablayaashii dagaal ka oo ahaa kuwo u adeegi jiray cadowga, kadibna la iska horkeeno xoogagii ku mideysnaa maxaakiimta haatana waa lagu guuleystay qorshahaas sida muuqata. Waxaa xiga in lakala jar jaro goboladda dalka iyadoo qaab qabiil qiil loogu sameynayo oo haatan waxaad wada ogtihiin in qaar dadka kamida ama hogaankii maxaakiimta ay is weydiinayaan su'aalo ay kamid tahay maxaa keenay in halkaan ama gobolkaan ay u soo dagaal tagaan dad u dhashay gobolkaas iyo waxay rabaan in ay anaga na baa bi'iyaan iyagoo ahaa kuwo u yeertay xiligii arintu cakirneed maantase ku riixaya qaab qabiil. Waxaa loo ololeynayaa sidii Soomaaliya arimaheeda loo soo afjari lahaa xili dhow iyadoo loo soo marayo arimaha burcad badeeda iyo in aqoonsi la siiyo goboladda haatan goonida isu taagay tiiyoo sidoo kale na la doonayo in ciidamo kale oo hor leh loo soo diro badda iyo beriga Soomaaliyeed. Qoraal badan lama sii sameyn karo weyse cadahay in qorshayaal badan ay isdaba marayaan balse Qaadirka ayaa u maqan Soomaaliya qalinkeygiina jooji qoraalkii. Abdifatah Ali Adan cabdifitaaxcali@hotmail.com
|
The opinions
contained in this article are solely those of the
writer, and in no way, form or shape represent the
editorial opinions of Somaaljecel News and
Entertainment Network (SNEN)
|
|
|
::
Please use the following
information to submit your articles to Somaaljecel Network
::
|
Cabdiraxmaan
Cumar Madoobe (Dalmar)
(252)1 572755
Dalmar@somaaljecel.com
|
|
|
|

|

|

|
|
|
|
|
|
|
 |
|