|
Sida ay dad faraban la socdaan dowladii T F Gda ee lagu soo dhisay dalka Kenya waxa ay ka socon weysay oo majaha qabtay koox wadaado ah oo uu har boodayay ninka iminka madaxweynaha ka ah dowladda hadda jirta ee Shariifka, waxaana dowladdaasi lagu tilmaamay in ay tahay dowlad ridda ah oo waxaa la baneestay xubnaha dowladdaas ku jiray dhiigooda, inkasta oo ay dowladdaa garab ka heleysay caalamka haddana Soomaalida dhexdeeda ayay ka socon weysay. Waxaa dhacay dagaallo xoogan oo ay wada galeen dowladii waqtigaa iyo maxkamadahii islaamka waxaana dagaalladaasi ay galaafteen nolasha dad aad u fara badan oo qaarkood ay dagaalamayeen kadib markii ay kula taliyeen in ay dagaalka falaan wadaadadii hubka sitey oo dagaalkaa ku tilmaamey jihad, taasina waxa ay keentay in dagaalka uu xoogeysto muddo kadib dagaalku waa uu gaba gaboobay waxaana la wiiqay awoodii Maxaakiimta taasi oo ay laadeen dowladdii TFG-da iyo ciidamadii dowladda Itoobiya oo garab siinaysay dowladda Soomaaliya oo madaxweyne uu u ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed. Waxaa dhalatay rajo wacan oo ay muujinayeen madaxda dowladda waqtigaa taasoo aheyd in ay la wareegaan guud ahaan dalka Soomaaliya balse waxba kama soo naasa-caddaan markii uu mar kale jihaad iyo dagaal socda sanado badan uu ku dhawaaqay Sheekh Shariifka haatan madaxweynaha ah oo xilligaasi horjooge u ahaa, waxaana bilowday dagaal dhuumaaleysi ah. Inkasta oo kaymaha lagu sii tumay mucaaradka haddana waxa ay fariisin ka dhigteen magaalada Casmara ee dalka Eretreya oo ay u tallaabeen, waxaana wixii markaas ka dambeeyay Muqdisho ka bilowday dilal qorsheysan oo lagu qaadayay xubnaha dowladda iyo cidii taageersan, waxaana daba socanayay weeraro lagu qaadayay fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa dowladda Itoobiya, waxa ay isa soo tartaba waxaa qayla dhaan xoogani ay ka soo yeertay qaybaha caalamka waxaana lagu xoojiyay dowladda ciidamo ka socda Midowga Afrika oo AMISOM la baxay, kuwaasoo ilaa iyo haatan dalka jooga. Xoogaga dagaalamayay wax kasta oo la sameeyo dhag jalaq uma siin waxaa la gaaray heer la waayo cid shaqaale u noqoto dowladda hoose oo ciddii taageera muujisaa madaxa ayaa la jabinayay, wadahadal iyo sheeka dheer kadib waxaa lagu guuleystay bixinta ciidamadii Itoobiya iyo dhisidda dowlad midnima qaran ah oo madaxweyne looga dhigay ninki Jihaadka ku baaqay ee Muqaamada madaxda u ahaa Sheekh Shariif. Dad fara badan ayaa waxay qabeen mar haddii Shariifka la doortay in laga gudbay dhabahii colaadda oo waxaa la hamiyay dowlad wadaag ah oo midnimo Qaran ah… laakiin (Lamood noqonse weyday) !! Dowladda Shariif waxa ay dadaal u gashay sidii ay u qancin laheed beelaha, siyaasyiinta, dhaqanka, qurba joogta, ganacsatada iyo culumaa’udiinka waxaana hubaal ah in la soo wada dhaweeyay oo lo riyaaqay. Waxaa soo baxay dhaliilo ku aadan dhanka culimada iyo aabayaasha soo wada galay halganka dagaal oo sheegay in dowladda Sheekh Shariif ay gashatay shaarkii dowladdii hore, balse si uu u aaso dhalilahaas waxa uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in dalka lagu dhaqi doono Shareecada islaamka, balse Soomaalidu waxa ay tiraahdaa 114 ayaan aqaan kaa aqrisan maayo baa ka weyn. Waxa ay qaybaha diimeedyada ay wada gaareen hal go’aan oo ah in lala dagaalamo dowladda uu hoggaamiyo Shariifka sida uu isagaba dagaal jahaad ah ugu iclaamiyay dowladdii TFG-da, waxaana horay loo yiri Maroodi waxa uu mir ka gooyo maroorkiisa ayay ka go’an tahay. Dagaalka soconaya imminka iyo dilalka waa kuwa ku qaab ah kuwii lagu wiiqay awooddii dowladdii uu madaxeynaha ka ahaa Cabdillaahi Yuusuf, dad fara badan waxa ay la yaaban yihiin waddaadaan dheer ee dagaalada waqtiga laga baxayo. Madaxtooyada waxaa lagu weeraraa hoobiyayaal xilligii dowladdii C/llaahi Yuusufna sidoo kale, waxaa magaalada lagu garaacaa madaafiic xilligii dowladdii C/llaahi Yuusufna sidoo kale, waxaa jidadka la geliyaa Miinooyin lagu ugaarsanayo madaxda dowladda, xilligii dowladii C/llaahi Yuusuf sidoo kale. Waxaa ay gacanta ku hayaan mucaaradka inta badan magaalada Muqdisho iyo goballo muhiim ah oo leh Dekado iyo Garoomo diyaaradeed ay kala soo degaan wax walba oo ay doonaan. Waxa ay garab ka helaysaa dowladda shariif ciidamada nabad ilaalinta oo suga amaanka Madaxtooyada, dekadda iyo garoonka diyaaradaha, Xiligii dowladii C/llaahi Yuusufna sidoo kale ayuun bay ahayd oo waxba ma soo kordhin dowladda Shariifka. Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isal wasaaraha intuba waxa ay maciin bidaan Gawaarida gaashaaman ee Ciidamada AMISOM Xiligii dowladii C/llaahi Yuusufna sidoo kale. Haddaba inkasta oo aan laga hadli karin sida xaal uu noqonayo ayaa haddana waxa ay dad fara badan isa su’aalayaan su’aasha ah Dowladda Madaxweyne Shariif qaabkii ay ku timid miyaa lagu Quusin doonaa? Waxa ayna u muuqanaysaa sidaa marka aan eegno xaalka sida uu ku socdo iyo waxyaabahii aanu kor ku soo qaadaa dhignay. Dhanka kale Dowladda uu Shariifka hayo waxaa la moodayay inay isaga baxayso dalka haddii la weeraro, balse Shariifka weli niyaddiisa kuma jirto in uu isaga cararo dalka, wuxuuna u muuqdaa inuu yahay mid yaqaana tabaha kooxaha ka soo horjeeda, waxayna arrintu u eg tahay mid ah “Lamood noqonse weyday!!” W/Q: C/casiis C/llaahi Maxamed (Really) really23@hotmail.com
|