Google

 

Yaa murtad ah, Yaa daba dhilif ah, Yaa khawaarij ah, Yaase qaldan?

Posted on Somaaljecel News Network on 14.May.2009  

Submitted by: C/fataax C/Aadan

 

Waxaa ilaa hadda aan la macneyn karin sababta ay u dhinteen dad boqol gaaraya, boqolaal kalana ay u dhaawacmeen halka kumanaana ay ka barakaceen ama dib ugu laabteen goobihii ay horey ugu qaxeen oo dhawaan ay ka soo laabteen.

Si walboo lagu macneeyo ama mar marsiyo walboo la siiyo dagaalka maanta ma noqonayso mid qiil loogu heli karo in dhiiga maatida lagu daadiyo, tiiyoo ay mar marsiyo ka dhiganayaan labadda garab ee iska soo horjeeda in ay kuwa kale ku jihaadayaan (SUBXANALLAH).

Kadib markii awoodda Illaah ay Amxaaraddii dalka ka baxeen waxaa ay dadku islahaayeen isbadal baa dhacaya oo mujaahidiintii waxay dalka u horseedi doonaan nabad iyo barwaaqo iyadoo dadkana ay maanka iyo maskaxda ku hayeen hagar daamooyinkii hogaamiye kooxeedyadda iyo halistii qab qablayaaasha dagaal, dhanka kale shacabka ayaa xasuustoodii xiligii maxaakiimta ee 6 da bilood ka maarmi waayay oo is lahaa waxaa dib u soo laabanaya waqtigii macaanaa ee nabadda.

Candhuuftiise waxaa dib loo liqay markii ay u dhaqmeen qaab kadaran qaabkii hogaamiye kooxeedyadda oo aan ku tilmaami karo xaasidnimo kadib markii Madaafiic ay la dhaceen dadkii maatida ahaa, ogoow waxa saas wax yeelaya waa kuwii dhihi jiray shareecadda ha laisku xukumo oo dadkii xasuuqay.

Yaa murtad ah, Yaa daba dhilif ah, Yaa khawaarij ah yaase qaldan?? Inkastoo labadda garab midba kan kale uu magac gooni ah ula baxay hadanna su'aalahaas ma aha kuwo jawaab loo hayo inkastoo labadda garaba aan ku tilmaami karo in ay yihiin kuwo qaldan.

Ajaanib ama Xag-jiriin Muslimiin ah ayaa ka garab dagaalamaya Alshabaab ayaa laga maqlayay garabka taageersan dowladda ee maxaakiimta ka tirsanaan jiray, halka ay Muqdisho ka gees ka gees kaga sugan yihiin ciidamo Gaalo ah oo Yugaandhees iyo Burindi ka kala yimid, kuwaasi wali laguma tilmaamin ajaanib waxaana la siiyay magaca ah nabad ilaaliyaan, anigu ma garanayo nabadda ay ilaalinayaan mar haddii dadkii ay nabad kula nagaan la'yihiin guryahooda.

AMISOM ama ciidamada ka kala socda Yugandha iyo Burundi iyagaaba qeyb ka ah xasuuqa shacabka Masaakiinta ah iska daa in lagu tilmaamo nabad ilaaliyaale waxaa haboon in lagula xisaabtamo xasuuqii ay ka geysteen magaalada Muqdisho.

Labada dhinac midna lama difaaci karo waxaana caddaatay in hamigoodu uu yahay kursiga iyagoo hore u sheegi jiray in ay shareecadda rabaan sidoo kalana ay taageersan yihiin isku xukunka shareecadda balse haatan mar haddii dowladdii ay qaadatay shareecadda kadib xabbad lagala hortagay.

“Nin il la' hal uu dheelmiyay dhana uma fiyooba” ayay Soomaalidu tiraahdaa, haatan xaaladda dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan caasimadda ayaa ah cidina uma maqna ceelna uma qodna.

Carro Alle iyo ciqaab adag ayay leedahay in dhiiga muslimiinta masaakiinta ah si macno daro ah lagu daadiyo waxaana illaah uga baryayaa in ummadda masaakiinta ah uu ka dulqaado culeyska kuwa culimadda sheeganaya uu caqiidada tuso, iyaguna ay Illaah ka cabsadaan oo ay cilmigooda ku camal falaan.

W/Q: Cabdifitaax Cali Aadan
cabdifitaaxcali@hotmail.com

    


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of Somaaljecel News and Entertainment Network (SNEN)

:: Please use the following information to submit your articles to Somaaljecel Network ::


Cabdiraxmaan Cumar Madoobe (Dalmar)                      (252)1 572755

Dalmar@somaaljecel.com

 

Articles and Opinions


Stark Choice: Unemployed or Underemployed

By: Mohamed Mukhtar


Khilaafka Madaxda dowladda KMG ayaa waxaa uu soo bilowday kagadaal markii ay isla fahmi waayeen laba qodob oo xasaasi ah oo dhinac waliba uu doonayay sida uu rabyo in la yeelo

By: Omar Faaruuq


WALKING ON ICE!

By: Mohamed Mukhtar


 

IGAD and its patient (Part 2)

By: Mohamed Mukhtar


Arrested majority or minority in the Northern regions of Somalia (Somaliland): Which way forward?

By: Deeq Yusuf


 A SOMALI PLAGIARIST WRITER EXPOSED

By: Ahmed M. Dirie, PhD


True patriotism and nationalism

By: Mohamed Mukhtar


The Verdict: Just Business

By: Mohamed Mukhtar


Somali graduates are working in non-graduate jobs

By: Mohamed Mukhtar


 

The End  /  Dhamaad

 


© Copyright 2002 -2005 Somaaljecel.com. All rights reserved

Search News | Baar Warar Kale

Advanced
Search:   Stories    Photos   Audio/Video    Full Coverage