Google

 

Xasuusta iyo tixraaca taariikhda siyaasadeed Soomaaliya

Posted on Somaaljecel News Network on 14.May.2009  

Submitted by: Zihaam

 

Xusuusta iyo tixraaca taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya ma aha wax qoraal lagu soo koobi karo hadana waxaa muhiim ah in aan ka soo qaadano intii ugu danbeeysay ee isabadalada saameynta leh ku reebay dalka iyo dadka Soomaaliyeedba una tilaabay guud ahaan caalamka.

Taariikhda hadda waxa ay wax badan ka qortaa ayna qori doontaa markii uu Maxamed Siyaad Barre siyaasiyiintii mayalka adkaa Ee cabsanaa tahliisha shuuciyada oo intooda badan wax ku soo bartay Midowgii Soofiyeeti uu u kaashaday hanshada Xukuumad weyn oo ka talisa guud ahaan Geyiga Soomaaliyeed.

Waa jirtaa in madxweynihii hore ee Soomaaliya Amaan iyo Dhaliil intaba loo soo jeedsho hadana waa hubaal in uu waxbadan ka qabtay qeybo badan oo kamid ah unkida qaranka Soomaaliya balse siyaasado maldahan oo dhibaato badani ka soo gaaratay shacbaka uu ugatay gudaha Soomaaliya.

Maxamed Siyaad Bare Allaha u naxriistee kolkii kulankii ugu danbeeyay ee isagoo madaxweyna ah uu kaga qeyb galay dalka jabuuti magaala madaxdiisa Jabouti Kulankaa oo ay ka qeyb qaadanayee madaxda Lixda dale e bariga Afrika ayaa soo laabashadiisii gudaha Soomaaliya muddo yar kadib waxaa si kedis ah isku badalay siyaasadihii oo dhan taa oo asalkeedu noqday in dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay mar qura noqoto mid meesha ka baxday isla markaana ay horay ka abuurmeen qabqablayaal dagaal oo uu ninba si wax u doonayo.

Siyaasado Isdiidan Oo Dhaxalkoodu Noqday Dhimasahada, Dhaawaca Iyo Barakaca Dad Badan Ka Dib waxa ay 3 Dexdii Sano ee U Danbeeysay Siyaasada Soomaaliya Noqotay Mid Ka Weectay Sidii ay ahayd Sanada Ka Hor Kadib Markii ay Fooda Is Dareen Hogaamiyaashii Dagaal MMI Oo sabatay In MMI ay Horseedaan Muujiyaana So Celinta Nabad Soomaaliyeed .

Dagaaladaa ayaa waxaa Hareer Socday Quwadeeyn Iyo Taakuleeyn ay Beesha Caalmku Siineeyso DFKMS Ee Lagu Dhisay Dalka Kenya Owoodna U Weysay Hanshada Dalka Soomaaliya Taasina ay Sababatay In ay DFKMGS ay Garab Xoogan Ka Hesho Dowladda Ethiopaia Oo Qiil Ka Dhiganeeysa In ay La Dagaalameeyso Kooxo Mayal adag.

DFKMG waxaa markii ay degtay magaalada beydhaba oo xarun dowlada unoqotay oo ay halkaasi kasoo dhaqaaqi weysay waxaa soo galbiyay oo muqdisho keenay ciidamada Ethiopianka waxey somaalidu ay ku eedeeyaan DFKMGS In ay Iyadu Masuul Ka Noqotay Keenitaanka Ciidamada Ethiopia ee Gudaha Soomaaliya Ayna Ethioipinku Tacadiyo Ba’an U Geeysteen Shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabadii Siyaasada Soomaaliya ayaa Waxa ay hada Mareeysa Meel Kala Guura oo Waxaa Gabi Ahaanaba HalMar Isbadalay Siyaasadihii U Dhaxeeyay Qeyabaha Kal Duwan Ee Ku Loolamaya Siyaasada Soomaaliya Iyadoo Kooxo Horay Iskula Hayay Siyaasad Iminka ay kala Tageen Halka Madax Sar sarana Ay saaxda siyaasada isaga hayaameen.

Email: Zihmara@hotmail.com

    


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of Somaaljecel News and Entertainment Network (SNEN)

:: Please use the following information to submit your articles to Somaaljecel Network ::


Cabdiraxmaan Cumar Madoobe (Dalmar)                      (252)1 572755

Dalmar@somaaljecel.com

 

Articles and Opinions


Stark Choice: Unemployed or Underemployed

By: Mohamed Mukhtar


Khilaafka Madaxda dowladda KMG ayaa waxaa uu soo bilowday kagadaal markii ay isla fahmi waayeen laba qodob oo xasaasi ah oo dhinac waliba uu doonayay sida uu rabyo in la yeelo

By: Omar Faaruuq


WALKING ON ICE!

By: Mohamed Mukhtar


 

IGAD and its patient (Part 2)

By: Mohamed Mukhtar


Arrested majority or minority in the Northern regions of Somalia (Somaliland): Which way forward?

By: Deeq Yusuf


 A SOMALI PLAGIARIST WRITER EXPOSED

By: Ahmed M. Dirie, PhD


True patriotism and nationalism

By: Mohamed Mukhtar


The Verdict: Just Business

By: Mohamed Mukhtar


Somali graduates are working in non-graduate jobs

By: Mohamed Mukhtar


 

The End  /  Dhamaad

 


© Copyright 2002 -2005 Somaaljecel.com. All rights reserved

Search News | Baar Warar Kale

Advanced
Search:   Stories    Photos   Audio/Video    Full Coverage