Google

 

Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo aan la yeelanay Safiirka dowladda Yamen u fadhiya Soomaaliya

Posted on Somaaljecel News Network on 19.Sep.2009  

Submitted by: Dalmar

 




Waxaa inoo suura-gashay inaan wareysi dheer oo dhinacyo badan taab-anaya la yeelanno Safiirka dowladda Yemen u fadhiya Soomaaliya Ambasador Axmed Xamiid Cumar, wuxuuna wareysigu u dhacay sidatan: 


Su'aal:-Sacaadata Safiir dowladda Yemen ee Soomaaliya adigu wakiilka uga tahay sidee bay u aragtaa xaaladda haatan ka taagan dalka Soomaaliya, sidee baadse is leedahay xal waa loogu heli karaa mashaakilaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan muddada 20-ka sano?

Jawaab:- Waxa ka socda dalka Soomaaliya ee aanu walaalaha nahay runtii waa mid welwel weyn inagu abuuraysa, sababtoo ah degenaanshaha Soomaaliya waa degenaanshaha gobolka, runtiina sii socoshada dhibaatada Soomaaliya waxay Mandiqadda u soo jiidday mashaakilaad badan oo ay ugu horrayso burcad badeedka, taasoo sababtay in ciidamo ajnabi ah ay saldhigyo ka samayastaan, waxaana rabaa inaan hoosta ka xariiqo in maanta Soomaalida ay fursad dahabi ah haystaan, taasoo aan soo marin tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe horaantii 1991-kii, fursaddaas oo ah sida ay bulshada caalamku u dhinac taagan tahay xukuumadda KMG Soomaaliya, waxaana dhihi karaa xalku waxa uu ku jiraa iyadoo maslaxadda shaqsiga ah ee siyaasiyiinta laga hormariyo danta guud ee dadka iyo dalka, shacabka Soomaaliyeedna dhib ku-filan wuu soo maray waxaana haboon in waxgaradka Soomaaliyeed ay miiska wadahadalka soo wada fariistaan si ay u xaliyaan mashaakilkooda. Hogaanka siyaadadeed ee waddanka Yemen uu horseedka ka yahay madaxwayne Cali C/llaahi Saalax waxa uu ku bixiyey dadaal fara badan sidii la isugu soo dhawayn lahaa kooxaha Soomaaliyeed xal waarana loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatooyinka siyaasadeed ee sababay burburka iyo halaaga iyo sidii daganaansho iyo nabad waarta loogu soo dabaali lahaa geyiga Soomaaliyeed ee colaadu aafaysay, ilaa iyo maantana kama uusana daalin dadaalkiisa oo wuu sii wadaa.

Su’aal:- Dowladda Yemen waxay xubin ka tahay dowladaha Jaamacadda Carabta, inta badan dadka Soomaaliyeedna waxa ay tuhmayaan in Jaamacadda Carabtu ay ka gaabisay sidii dhibaatada Soomaaliya xal loogu raadin lahaa, taas maxaad ka oran lahayd?

Jawaab:- Dhibaatada Soomaaliya ka taagan waa mid leh saamaynteeda gobolleed iyo dowliba, waxaana qabaa in Jaamacadda Carabtu ay dadaashay intii karaankeeda ah, iskuna howshay sidii ay u damin lahayd colaadda u dhaxaysa walaalaha Soomaaliyeed, taas ayadoo ka anbaqaadaysana waxay marti gelisay kulamo badan, mana dhicin maalin qura in Jaamacadda Carabtu ay ka gacmo laabatay arrimaha Soomaaliya iyo xal u raadintooda, iskaba daa taase waad ogtihiin in arrimaha Soomaaliya looga hadlo kulan madaxeedka madaxda Jaaamacadda Carabta iyo kan heerka wasiiradaba, marka ma qabo in J/Carabtu ka gaabisay arrimaha murugsan ee ka jira dalka Soomaaliya.

Su’aal:- Waddamo badan oo Carbeed ayaa marar badan ku baaqay inay ciidamadooda u soo dirayaan Soomaaliya, mana ka dhabeeyaan baaqyadooda, sidoo kale Jaamacadda Carabta mar kale waxay sheegtay inaysan wax ciidamo ah xilligan u direynin Soomaaliya, marka taas maloo fasiran karaa inay waddamada Carabtu ka soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Afrikaanka ee hadda ku sugan Soomaaliya?.

Jawaab:- Dhammaanteen waan wada ognahay inay ciidamo Carbeed ay ka qayb qaateen nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya horaantii Sagaashamaadkii Qarnigii tegay, waxaana aaminsanahay in ciidamo Carbeed loo soo diro Soomaaliya waqti xaadirkan ay u baahan tahay in si fiican looga baaraan dego ogolaanshana looga helo Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay, kaas oo horay ugu ogolaaday Midowga Afrika inay ciidamo u diraan Soomaaliya.

Su’aal:- Sida la ogsoon yahay dowladda Yemen waxay xiriir wanaagsan la leedahay dowladaha Itoobiya iyo Eretreya oo lagu eedeeyo inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya ama haddii aan si kale u dhigno u soo raray hertankooda siyaasadeed gudaha dalka Soomaaliya, marka dowladda Yemen marna ma isku dayday inay ku qanciso dowalahaas ay saaxiibka la tahay inay arrimaha Soomaaliya faraha kala baxaan?

Jawaab:- Shaki kuma jiro in Yemen uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo labada waddan ee Itoobiya iyo Eretreya, runtiina way isku dayaysaa Yemen in dibloomaasiyad wanaagsan ay ka muujiso Jaanibkan, aragtideenana waa mid iska cad oo muuqata, waxaana waajib ku ah walaalaheena Soomaaliyeed inay miiska wadahadalka wada fariistaan iskuna raacaan inay xaliyaan mashaakilkooda, sababtoo ah wadahadalku waa lagama maarmaan haddii la rabo in wax la xaliyo lagana badbaadiyo dhibka taagan, lagana shaqeeyo sidii nabad waarta iyo sharaftii waddanku uu ku lahaa bulshowaynta caalamka uu u soo ceshan lahaa, waxaana ku nuuxnuusanayaa in xalka waara ee miro dhalka ahi uu gacanta Soomaalida ku jiro.

Su’aal:- Yemen waxay magangelyo siisay madaxwaynihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Qoyskiisa, megangelyadaasi ma mid ay si ku meel gaar ah u siisay baa mise waa mid si joogto ah uu ku sii deganaanayo C/llaahi Yuusuf dalka Yemen?

Jawaab:- Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf kama dalban dowladda Yemen magangalyo siyaasadeed Yemen, balse wuxuu marti ahaan ku joogaa magaalada Sanca, isagaana xor u ah go’aankiisa, waayo wuxuu ka mid yahay Soomaalida faraha badan ee dalka Yemen ku sugan.

Su’aal:- Guddiga cunaqabataynta hubka ee Q/Midoobay waxay qoraal ku soo bandhigeen waddamo Carab iyo Afrikaan ah oo ku xadgudbay cunaqabataynta hubka ee la saaray Soomaaliya sanadkii 1992-dii, dowladda Yemena waxay ka mid tahay dowladahaas lagu eedeeyay inay jebiyeen cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, marka eedayntaas maxaa ka jira?

Jawaab:- Yemen diyaar bay u tahay inay dhowrto qaraarka Qaramada midoobay, waxa aad ka hadlaysidna waa arrin hore oo laga yaabo inay ahayd xilligii xukuumaddii C/qaasim Salaad Xasan, arrintaasna Yemen way u caddaysay Qaramada Midoobay waqtigeedii, waxaana mar labaad ku celinayaa inay Yemen diyaar u tahay inay dhowrto qaraarka Q/Midoobay.

Su’aal:- Sacaadata Safiir waa sidee xiriirka Soomaaliya iyo Yemen ee xilligan?

Jawaab:- Sida lawada ogyahay labada waddan ee Soomaaliya iyo Yemen waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo iyo isdhex gal oo soo jireen ah, isdhexgalkaas waa kan sababay in Yemeniyiinta ku dhalatay Soomaaliya ay noqdaan qeyb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, waxaana lagu tiriyaa Yemen dowlad Carbeed tii ugu horreysay ee Safiir u soo magacawda Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe, isla markaana suurtagelisay inay safaaradeeda ay hawlaheedii dib uga bilawdo Muqdisho laga soo bilaabo sanadkii 2007-dii ilamaa iyo haatan.

Su’aal:- Yemen waxay ka mid tahay wadd-amada martigeliyay qaxootiga Soomaaliyeed ee ka firxanaya dagaallada ka jira Soomaaliya, sida la ogyahayna qaxootigaasi waxay Yemen ku hayaan culays dhaqaale, haddaba sidee bay Yemen ula dhaqantaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda, maxayse tahay tallaabooyinka ay xukuumadda Yemen ka qaadatay sidii loo yarayn lahaa qasaaraha nafeed ee soo gaaraya Soomaalida ka sii firxanaysa dalkooda ee ku halaagsamaya Badda u dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya?

Jawaab:- Yemen dhab ahaantii waxay dusha saaratay culays weyn tan iyo markii ay bilaabatay dhibaatada Soomaaliya horaantii 1991kii, taasoo sababtay in si isdabajoog ah ay qaxooti Soomaaliyeed ugu qulqulaan Yemen, iyadoo ay isugu jiraan kuwo raadinaya magangalyo siyaasadeed iyo kuwo qaxooti ah oo ka tegaya Soomaaliya iyo kuwo kale oo ka imaanaya Waddamada geeska Afrika, runtiina waxaa lagu qiyaasaa cadadka qaxootiga ee ku sugan Yemen ku dhawaad Hal Malyan, rutiina ciidamada amaanku si qiimayn iyo ixtiraam ku jirto ayay ula dhaqmaan dhammaan qaxootiga Soomaaliyeed, iyadoo aan ognahay inuu jiro gaabis dhinaca hay’adaha dowliga ah sidii taageero loogu fidin lahaa dadkaas dhibaataysan. Haddii aan u soo noqono tallaabooyinka ay Yemen qaadday si loo yareeyo qasaaraha nafeed ee Soomaaliya ka soo gaaraya tahriibka ay u marayaan dhinaca Badda ee soo gaaraya muhaajiriinta sharcidarada ku galaysa Yemen, waxaana dhibaatadaas qeybta ugu weyn dusha saaranaya kuwa wax tahriibiya, sababtoo ah waxay dadka ku soo daabulaan Doonyo dhammaad ah, waxayna ku soo raraan cadad aad u fara badan, waxayna dadka ku qasbaan inay ka daataan Doonida iyagoo ka cabsi qaba in ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ay qabtaan marka arrintaas waxay sababtaa geeri badan, waxaana halkan uga baaqi lahaa in ay wada shaqayn fiicani dhex marto maamulka Puntland iyo xafiisyada Qaramada Midoobay ee ku shaqada leh qaxootiga lagana shaqeeyo sidii dadka loo wacyi gelin lahaa looguna sheegi lahaa khatarta ay kala kulmi karaan safarkaas, waxaan isleeyahay haddii arrintaa xoog la saaro waxaa is dhimi kara dadka iyagu u bareeraya safarkaa Badda.

Su’aal:- Sacaadata Safiir haddii aanu arrimaha Soomaaliya intan uga gudubno, waxaa gudaha dalka Yemen ka taagan dagaallo sababay qasaarooyin nafeed iyo burbur hantiyeed, gaar ahaan Gobolka lagu magacaabo Sacda ee dalka Yemen, waa maxay sababta ka dambaysa dagaalada ka soconaya Waddanka Yemen ee u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kooxaha fallaagada Xuutiyiinta, maxaase ka jira wararka sheegaya in dowladaha Iiraan iyo Sacuudigu ay kala taageerayaan labada dhinac ee dagaalamaya, max-aana ka jira in diyaaradaha dagaalka ee Sacuudigu ay ka qeyb qaateen duqaynta meelaha ay Xuutiyiintu ku dhuumaalaysanayaan?

Jawaab:- Waa run, dalka Yemen dagaallo ayaa haatan ka jira, dadka sida gaarka ah isha ugu haya ayayna warbaahintu ka mid tahay, run ahaantii dagaallada hadda ka socda Yemen sanad kahor waa ay jireen, waxaana lagu hakiyey amar ka soo baxay madaxwaynaha Yemen iyo dhexdhexaadiyaal gudaha iyo dibadda ah si loo joojiyo dhiiga daadanaya ee shacabka Yemen, fursadna la siiyo fallaagada Xuutiyiinta ah ee dhunsan ee wax qaribaadda uun u taagan, si ay wanaaga ugu soo noqdaan, sharciga iyo nidaamka Waddanka u yaalana u dhawraan oo ay joojiyaan fitnada iyo qaska, laakiin xabbad joojintii iyo dhimrintii Madaxwaynaha ayey si qaldan uga faa’idaysteen oo waxay isu diyeeriyeen inay dagaal mar kale dib u huriyaan, marka xukuumadda Yemen dagaalka waa lagu qasbay kadib markii ay fallaagada Xuutiyiintu bilaabeen inay gooyaan jidadka, miinooyinna ku aasaan, ayna afduubtaan Muwaadiniinta, isla markaana ay dilaan dad aan waxba galabsan, walwal iyo cabsi gelina ay abuuraan iyagoo duduminaya guryaha dadka aan taageersnayn afkaartooda qaloocan ee ku cusub bulshadda Yemen, xitaa kooxdani waxay ku qasbayaan dhalinyarada inay dagaalka kala qayb qaataan si qasab ah ayagoo ka dhaadhicinaya in xukuumadda Yemen ay xukunka xoog ku haysato, kooxdooduna ay xaq Ilaahiya u leeyihiin inay iyaga kaligood xukumaan dalka, waxay ku fakarayaan inay soo celiyaan nidaamkii Kahnuutiga iyo dib u dhaca, kooxdan waxay bilaabeen inay shaqaalaha dowladda ka eryaan deegaano badan iyo inay xoog kula wareegaan Iskuullada ayna burburiyaan Cusbitaalada beegsadaana ciidanka amniga, marka haddii aan u soo noqdo qaybta kale ee su`aashaada waxaa jira in madaxwaynaha Yemen waraysi uu siiyey Telefishinka Al-jazeera wuxuu ku caddeeyey inaysan jirin kaalmo toos ah oo Iiraan ay siiso fallaagada Xuutiyiinta, laakiin waxa uu sheegay in qaar ka mid ah marjiciyaadka diinta ee ka jira gudaha Iiraan ay soo bandhigeen inay dhexdhexaadiyaan dowladda iyo Xuutiyiinta taasoo daliil u ah inuu jiro xiriir ka dhexeeya falaagada iyo marjiciyaadkaa qaarkood, sidoo kale hoggaamiye Diimeedka Ciraaq Muqtada Al-sadri ayaa soo bandhigay inuu sameeyo dhexdhexaadin, sidoo kale ciidanka amnigu waxay gacanta ku dhigeen kooxo la sheegay inay lacag gaaraysa Boqol kun doolar ay ka heleen ururo ka jira dalka Iiraan kuwaasoo hadda kiiskooda uu horyaalo Maxkamadda Yemen, laakiin arrinta Sacuudiga waa dowlad walaal ah oo saaxiibo la ah Yemen, wax lug ahna kuma laha waxa ka dhacaya magaalada Sacda, sidoo kale waxaan kuu xaqiijinayaa waxa ay fallaagada Xuutiyiintu ku andacoonayaan oo ah inay diyaaradaha Sacuudiga ay ka qayb qaadanayaan garaacista meelaha ay Xuutiyiintu ku dhuumaalaysanayaan, taasi waxay uga jeedaan inay ra`yi caamka ku marin habaabiyaan, kuna qariyaan jabka iyo qasaaraha is daba jooga ah ee ka soo gaaraya goobaha ay ka dagaalamayaan.

Su`aal:- Een Guddiga nabadgalyada Yemen waxa ay iclaamiyeen shuruudo lagu joojinayo dagaalka, haddana dagaalkii weli waa uu sii socdaa, maxay tahay sababtaa?

Jawaab:- Sababtu waa falaagada Xuutiy-iinta oo jebiyay shuruuddii xabbad joojinta, go`aanadayna inay fikradooda Shaydaaneed ay hirgeliyaan, iyagoo adeegsanaya dariiqooyin aan sax ahayn sida cabsi gelinta dadka iyo inay ka barakiciyaan guryahooda iyo beerahooda iyo inay beegsadaan ciidanka amaanka, run ahaanti ina haddii aad dhagaysan lahayd cabashooyinka muwaadiniinta degan Gobolka Sacda iyo deegaanada kale ee ay ku hayaan Xuutiyiintu waad murugoon lahayd, waxaana kuu sheegayaa in shuruudihii xabbad joojintu ay weli sideedii u taagan tahay waa haddii ay Xuutiyiintu aqbalaan dhaqangelinta shuruudahaas, xukuumadduna diyaar ayay u tahay in xabbada la aamusiyo, haddii aan kuu faahfaa-hiyana shuruudaha xabad joojintu waa sidan:-

1. Inay Xuutiyiintu ka baxaan dhammaan deegaannada, furaana Waddooyinka dhibkana ay joojiyaan.

2. Inay ka soo dhaadhacaan Buuraha ay saaran yihiin, kana soo baxaan dhufaysyada ay ku gabmanayaan.

3. Inay gacanta dowlada ku soo celiyaan dhammaan wixii hub ah ee ay xadeen.

4. Inay caddeeyaan halka ay ku dambeeyeen Lixdii ajnabi ee ay qafaasheen falaagada Xuutiyiintu, taasoo iyaga lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen qafaalashadooda sida ay tilmaamyaan waraka la hayo.

5. Inay soo daayaan dadka u dhashay magaalada Sacda iyo kuwa kale ee ay xooga ku qafaasheen.

6. Inay faraha kala baxaan arrimaha maamulka ee deegaannada si kastaba.

Su`aal:- Aragtidaada suurtagal ma tahay in la soo afjaro dagaalkaa anagoo og goobaha lagu dagaalamayo Joqraafi ahaan ay dhib badan yihiin gaar ahaan magaalada Sacda, maxayse xukuumadda Yemen ay ku diiday dhexdhexaadinta bannaanka, iyadoo horay ula gaartay fallaagada Xuutiyiinta heshiis ay dowladda Qadar garwadeenka ka ahayd, mase dhihi karnaa waa ay fashilantay dhexdhexaadintii dowaladda Qadar?

Jawaab:- Guushu way dhowdahay Inshaa Allaah, ciidamada qalabka sida iyo kuwa nabagalyada iyo dadka deegaanka Sacda waxay dhammaantood meel uga soo wada jeedaan fallaagada Xuutiyiinta waxayna siiyeen casharro aanay fallaagadu hilmaami doonin, haddii aan kaaga waramo sababta loo diidan yahay dhexdhexaadinta dibaddu waxa ay tahay waxaan u aragnay inay mushkiladda sii murjinayso, waxaana aaminsanahay in xalka guduhu uu yahay kan ugu wanaagsan, haddii ay Xuutiyiintu meel mariyaan dhawraana sharciga iyo nidaamka dalka, isla markaana ay aqbalaan shuruudihii Lixda qodob ahaa ee xabbad joojinta, dhanka kale haddii aan fasiraad ka bixiyo sababta keentay inay fashilanto dhexdhexaadinta walaalaheenna Qadar, way ogyihiin walaaheena Qadar qoloda fashilisay dadaalkaasi, run ahaantiina Guddiga nabadgalyadu dhiniciisa weli wuu ku taagan yahay dhaqan gelinta go`aanadii la gaaray, laakiin Xuutiyiinta ayaa gebi ahaanba laalay oo diiday inay dhawraan wixii ay saxiixeen taas oo run ahaantii ku qasabtay guddiga Qadariyiinta inay faraha ka laabtaan kuna noqdaan wadankoodii.

Sacaadata Safiir waad mahadsan tahay,

Wariye Dalmar, adigaa mudan. 

Waxa wareystay:- C/raxmaan Cumar Madoobe {Caaqil Dalmar}

    


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of Somaaljecel News and Entertainment Network (SNEN)

:: Please use the following information to submit your articles to Somaaljecel Network ::


Cabdiraxmaan Cumar Madoobe (Dalmar)                      (252)1 572755

Dalmar@somaaljecel.com

 

Articles and Opinions


Stark Choice: Unemployed or Underemployed

By: Mohamed Mukhtar


Khilaafka Madaxda dowladda KMG ayaa waxaa uu soo bilowday kagadaal markii ay isla fahmi waayeen laba qodob oo xasaasi ah oo dhinac waliba uu doonayay sida uu rabyo in la yeelo

By: Omar Faaruuq


WALKING ON ICE!

By: Mohamed Mukhtar


 

IGAD and its patient (Part 2)

By: Mohamed Mukhtar


Arrested majority or minority in the Northern regions of Somalia (Somaliland): Which way forward?

By: Deeq Yusuf


 A SOMALI PLAGIARIST WRITER EXPOSED

By: Ahmed M. Dirie, PhD


True patriotism and nationalism

By: Mohamed Mukhtar


The Verdict: Just Business

By: Mohamed Mukhtar


Somali graduates are working in non-graduate jobs

By: Mohamed Mukhtar


 

The End  /  Dhamaad

 


© Copyright 2002 -2005 Somaaljecel.com. All rights reserved

Search News | Baar Warar Kale

Advanced
Search:   Stories    Photos   Audio/Video    Full Coverage