Google

 

Wareysi dheer oo aan la yeelanay Maamulaha Jaamacadda Baladweyn

Posted on Somaaljecel News Network on 1.Nov.2009  

Submitted by: Dalmar

 





















Wareysi aad u dheer oo aan Maamulaha Jaamacadda Baladweyn Maxamed Aadan Xaadoow kala yeelanay arrimo badan oo ku saabsan howlaha Jaamacadda iyo aas-aasideeda ayaanu idiin soo gidbineynaa, wareysiguna waxa uu  u dhacay sidatan:

Su’aal: Jaamacadda B/weyn goormaa dhidibada loo taagay oo la furay?

Jawaab: Waxaa dhidibada loo taagay bishii Lixaad ee sanadkan 2009-ka, waxbarashaduna waxay bilaabatay bishii 9aad ee isla sanadkan oo ah xilliyada Jaamacadaha Soomaaliya waxbarashadu u bilaabato, ilaa iyo haatanna  waxbarashada Jaamacaddu waxay u socotaa sidii loogu talo galay.

Su’aal:  Yaa lahaa fikirka lagu furay Jaamacadda B/weyn?

Jawaab:
Marka hore fikir ama talo waxa uu ka yimaadaa shaqsi, kadibna shaqsigu wuxuu u bandhigaa dadka uu is leeyahay way ka qeyb qaadan karaan oo way kula fulin karaan,  marka hore fikirka aniga ayuu iga yimid, kadib  waxaan u bandhigay aqoonyahannada reer Hiiraan, iyaguna way ila qaateen, Ilaah mahadiis waana lagu guulaystay.


Su’aal: Maxay tahay qorshaha idinku dhaliyay in magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan aad Jaamacad ka furtaan xilligan?

Jawaab:  Waa su’aal muhim ah oo loo baahan yahay in la bayaaniyo, waxaa nagu dhaliyey inaan magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Jaamacad ka hirgelino  waxay tahay kadib markii aynu aragnay baahida Ardayda reer Hiiraan ay u qabaan aqoon heer Jaamaceed  ah iyo iyadoo ay Iskuullada dhexe iyo sare ku fara badan yihiin Gobolka, haddana ardayda Dugsiyada sare dhamaysata ee u baahata Jaamacado aysan heli karin Jaamacad, tirada yar ee dhaqaale u heli kartaana ay u aadaan magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Hargeysa si ay jaamacado uga  soo dhigtaan, tiiyoo dhaqaalaha kaga baxa ay aad u fara badan yihiin, iyadoo kuwo magaalada Muqdisho waxbarashada u doonta ay xaalad amni xumo ah oo u suuragelin waysa inay waxbarashadooda si hufan uga sii wataan ay kala kulmaan, taas ayaana nagu dhalisay in  aan Jaamacad ka furno B/weyne.

Su’aal: Furitaanka Jaamacadda yaa gacan idinka siiyey,  dhinac dhaqaale, dhinaca manaahijta iyo dhinac waliba?.

Jawaab: Run ahaantii furitaanka Jaamacadda B/weyne waxa uu ku yimid fikirka aqoonyahannada reer Hiiraan ee kala jooga Gobollada Banaadir iyo Hiiraan, dhaqaale ay iska aruuriyeen ayaana lagu  bilaabay, kadib Ganacsatada reer Hiiraan iyo Jaaliyadda reer Hiiraan ee dibadaha ku nool ayaan gacan ka helnay, Manaahijta Jaamacadda lagu qaatana waa kuwa lagu qaato Jaamacadaha dalka Soomaaliya ka furan.

Su’aal: Immisa Kuliyadood ayaa laga dhigtaa Jaamacadda?

Jawaab: Saddex Kuliyadood ayaa hadda laga dhigtaa Jaamacadda, kuwaas oo kala ah:  1). Kuliyadda Waxbarashada.   2). Kuliyadda Sharciga.  3). Kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka.


Su’aal: Immisa macalin ayaa Jaamacadda haatan wax ka dhigta, Ardayda dhigatana tiradooda waa meeqa?

Jawaab: Macalimiinta Jaamacadda wax ka dhigta waxay gaarayaan Siddeed (8) Macalin oo ay ku jiraan kuwo aan ka keenay dalka Kenya ee aanu deriska nahay, Ardayduna waxay sii caga-cageynayaan Boqolaal arday. 


Su’aal: Mushaarka ay qaataan Macalimiinta yaa idinka taakuleeya, Ardaydana ma jirtaa lacago aad ka qaaddaan?

Jawaab: Ma jirto ilaa iyo hadda hay’ad, urur ama cid kale oo mushaarka Macalimiinta naga caawisa, aas-aasayaasha Jaamacadda ayaa lacago iska aruuriya, taas ayaana mushaarka macalimiinta lagu dabaraa, ilaa ay wax iska beddalayaan iyaga ayaa sii bixinaya qarashaadka macalimiinta la siiyo.    Ardayda iyagu dhaqaalo buuraan lagama qaado, kista laga qaadana waxaa lagu bixiyaa Kirada Daarta ay Jaamacaddu degan tahay iyo howlaha nadaafadda, weliba waxaa badan ardayda aan wax qidmad ah laga qaadin, kuwaasoo qoysas danyar ah ka soo jeeda,  isla markaana aan awoodi karin inay iska bixiyaan qidmada yarta ah ee aan qaadno iyo kuwo Agoonnimo ku soo koray oo iyaguba u baahan taakuleyn waxbarasho. 


Su’aal: Maamulayaasha Jaamacadda waa meeqa xubnood, qaab noocee ah baana lagu soo xulay?

Jawaab: Maamulayaasha Jaamacadda waxaa lagu soo xulay aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo khibraddooda, waxayna ka kooban yihiin:

1.   Maamulaha:  Maxamed Aadan Xaadoow
2.   Ku-xigeenka  Dr. Cumar
3.   Madaxa xiriirka Jaamacadda: Maxamed Muuse Balcad
4.   Madaxa arrimaha ardayda: C/nuur Macalin Maxamed
5.   Madaxa maaliyadda: C/salaam Xaaji Saalax



Su’aal: Maamulka Jaamacadda ma mid is doortay baa, mise waa la doortay, xilkana ma mid ay weligood sii heynayaan baa inta ay Jaanacaddu jirto?

Jawaab: Waxaa jira Guddi Aqoonyahannada reer Hiiraan ka kooban oo maamulka Jaaacadda Baladweyn magacaabay, waxaana jira heshiis u degsan Guddigaas oo ah in la qabto shirar looga hadlayo howlaha Jaamacadda dhinaca horumarka iyo wixii isbedel ah oo yimaada, waxaa jiraya doorasho, haddii xubnaha haatan maamulka Jaamacadda haya la dhaliilo waxqabadka maamulkooda waa qasab in la bedello, haddii ay wax wanaagsan qabtaanna waa lagu abaalmarinayaa, marka ma aha maamulayaasha Jaamacadda kuwo saldanad u helay inay maamulka sii wadaan, xubno aqoonyahanno ah oo iyaga uga firfircoon howsha haddii ay soo baxaan iyagaa loo dhiibayaa, saddexdii sano ama afartii sanana doorasho ayaa dhacaysa.


Su’aal: Jaamacadan B/weyne ee aad adigu maamulaha ka tahjay ma middii ugu horreysay oo Baladweyn laga furaa, mise Jaamacado kale ayaa ka jira magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan?

Jawaab:  Hadda iyada kaliya ayaa Baladweyne ka furan, laakiin waxaa jiray Jaamacad sanadkii 2006-dii laga furay magaalada, balse xirantay, iyana in dib loo abaabuli doono ayaan rajeynayaa.


Su’aal: Ugu dambeyn maxaad ugu baaqaysaa dadka reer Hiiraan aqoonyahannadooda kala duwan iyo jaaliyadaha dibadaha jira ee reer Hiiraan?

Jawaab: Waad mahadsan tahay, Aqoonyahanada reer Hiiraan meel kasta oo ay ku sugan yihiin iyo guud ahaan dadka reer Hiiraan ee dibadaha jira waxaan marka hore leeyahay mashruucani guul ayuu ku bilowday waqtiga ayaana na saaciday ee hala garab istaago dadka hirgeliyey mashruucan faa’iidada u leh dadka reer Hiiraan, gaar ahaan dadka sida gaarka ah u danaynaya inay Jaamacaddu noqoto mid weligeed sii shaqeysa waxaan leeyahay  waxaa jira dhul aad u baaxad weyn oo odayaasha reer Hiiraan ay ugu deeqeen Jaamacadda, dhulkaas wuxuu u baahan yahay  in laga qeyb qaato dhismihiisa, marka waa inaad hiil iyo hooba uga qeyb qaadataan.

    Waxa wareystay: C/raxmaan Cumar (Caaqil Dalmar)


 

    


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of Somaaljecel News and Entertainment Network (SNEN)

:: Please use the following information to submit your articles to Somaaljecel Network ::


Cabdiraxmaan Cumar Madoobe (Dalmar)                      (252)1 572755

Dalmar@somaaljecel.com

 

Articles and Opinions


Stark Choice: Unemployed or Underemployed

By: Mohamed Mukhtar


Khilaafka Madaxda dowladda KMG ayaa waxaa uu soo bilowday kagadaal markii ay isla fahmi waayeen laba qodob oo xasaasi ah oo dhinac waliba uu doonayay sida uu rabyo in la yeelo

By: Omar Faaruuq


WALKING ON ICE!

By: Mohamed Mukhtar


 

IGAD and its patient (Part 2)

By: Mohamed Mukhtar


Arrested majority or minority in the Northern regions of Somalia (Somaliland): Which way forward?

By: Deeq Yusuf


 A SOMALI PLAGIARIST WRITER EXPOSED

By: Ahmed M. Dirie, PhD


True patriotism and nationalism

By: Mohamed Mukhtar


The Verdict: Just Business

By: Mohamed Mukhtar


Somali graduates are working in non-graduate jobs

By: Mohamed Mukhtar


 

The End  /  Dhamaad

 


© Copyright 2002 -2005 Somaaljecel.com. All rights reserved

Search News | Baar Warar Kale

Advanced
Search:   Stories    Photos   Audio/Video    Full Coverage